Waa maxay micnaha takooriddu?

Mamnuucida takooriddu waa aasaaska xuquuqda dadka, oo mabda’a takoorid la’aantu waa unuga aasaaska u ah bulshada dimoqoraadiga iyo talowadaagta ah.

Waa maxay micnaha takooriddu?

Takooriddu waa ku dhaqan aan suubanayn oo micnihiisu yahay in qof loola dhaqmo si ka xun dadka kale, iyada oo loogu duurxulayo jinsi, sinji, midab, diin ama rumayn, aragtisiyaasadeed, dareengalmeed, da’, naafo, Kaalinbulsheedda qofka ama qolo uu ka soo jeedo. Haddii qof lagula kaco takoorid, taa micnaheedu waa, in aanu qofku si la mid ah kuwa kale uga qaybqaadan karin, ama aanu marin u helin sida kuwa kale ee bulshada, tusaale ahaan, dugsiga ama goobta shaqada.

Waxa uu qofku dareemi karaa, in lagula kacay takoorid, iyada oo aanay ku caddayn takooridda dhabta/takooridda caadiga ah. Taasi ka dhigi mayso dhacdada mid fudud, hase ahaatee waxa ay ka dhigaysaa in arinta loo eego si ka duwan takooridda dhabta ah/takooridda uu sharcigu ka yaallo.

Waxa jira afar jaad oo takooridda ah; takoorid toos ah, takoorid dadban, xasarad iyo dibindaabyo jinsi iyo tilmaamid. Waxa aad warar dheeraad ah oo ku saabsan noocyada kala duwan ee takooridda ka heli kartaa talobixinta dacwadaha ee IMR’ka. [Tixraac]

Guji si aad u
diiwaangeliso